Minnesota: Maxkamadda Sare ee oo laashay xukunkii lagu riday Maxamed Nuur

Minneapolis (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Minnesota ayaa Arbacada maanta ah laashay xukunkii dilka darajada-saddexaad ahaa ee lagu riday Maxamed Nuur, oo ahaa Somali-American ka tirsan booliska Minneapolis, kaasi oo afar sano kahor toogtay gabar soo wacday 911.

Maxamed Nuur ayaa sidoo kale lagu helay dil kama’ ah oo darajada-labaad ah oo la xiriira dhimashadii Justine Ruszczyk Damond ee 15-kii July 2017, xukunkaas oo weli taagan 

Sarkaalkaas hore ayaa hadda dib loogu xukumi doona dilka kama’ ah oo kaliya, si ka duwan xukunku 12-ka sano iyo barka ahaa ee lagu riday 2019-kii.

Maxamed ayaa hadda wajahaya xukun u dhaxeeya 41 illaa 57 bilood, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay xeer-ilaalinta degmada Hennepin County. 

Haddii Maxamed lagu rido xukun afar sano oo ah dil kama’a oo darajada labaad ah, wuxuu sharci u yeelan doonaa in lasii daayo, sababtoo ah wuxuu mar hore qaatay laba meelood saddex meel xukunka, sida uu sheegay qareenkiisa racfaanka Peter Wold. 

Maxamed Nuur ayaa xabsiga ku jiray tan iyo 30-kii April 2019. 

“Maanta ayaan la hadlay Maxamed, waa farxad, farxad weyn,” ayuu Wold u sheegay taleefishinka NBC News.

Maxkamadda sare ayaa xukmisay in dacwad-oogayaasha aysan caddeyn in Maxamed uu ficilka dilka sameeyey “ayada oo maskaxdiisa ay dulmi ku talo-gashay, oo aan txigelineyn noloshada aadanaha,” taasi oo loo baahan yahay si loo rido xukun dil darajada-saddexaad ah. 

Dacwad-oogayaasha ayaa ku dooday in Maxamed uu buuxiyey qeexitaankaas, sababtoo ah toogashadii uu ku dilay Damond, waxay sidoo kale dhaawici kartay sarkaal boolis ah oo la socday ama qof meesha marayey.

Si kastaba, maxkamadda sare ayaa xukuntay inay caddeyd Maxamed Nuur uu beegsanayey kaliya haweeneyda uu dilay.

Gabadha la dilay ee Damond ayaa wacday 911, xilli habeen saq-dhexe ah, ayada oo aaminsan inay maqashay haweeney ay deris yihiin oo lasoo weeraray. 

Markii ay Damond usoo baxday bannaaka si ay ula hadasho Maxamed iyo sarkaal la socday oo lagu magacaabo Matthew Harrity ayey cabsi gelisay. Maxamed oo argagaxay ayaa kadib toogtay Damond.