Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo ku kulmay Qatar kana wada-hadlay arrimo xasaasi ah

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Doha ee dalka Qatar Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran oo ay ugu weyntahay xiisadda Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee dalka ka socta tan iyo markii uu xukunka yimid Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Farmaajo uga war bixiyey ka mirdhalinta dadaaladii deynta cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka oo shaqadoodu socotay intii Farmaajo uu joogay xafiiska.

Xasan Sheekh ammaanay sida shacabka, masuuliyiinta iyo madaxda Soomaaliyeed kuwii hore iyo haddaba ay ugu midoobeen difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, wuxuuna halkaas caawa halkaas kula kulmay Farmaajo oo muddoyinkaan ku sugnaa dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa kulan ku saabsan xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar waxa uu la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa wadaaga iskaashi walaalnimo iyo xiriir dhow oo salka ku haya danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal iyo sooyaalka Labada Shacab.