Rejada Soomaaliya ee kursiga madaxa Midowga Afrika iyo wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan oo u sharraxan Soomaaliya inay ku metasho tartanka loogu jir  jagada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa maanta ka hor hadashay xildhibaannada Soomaaliya oo ay gudbisay dalab culus.

Fawsiya Xaaji Aadan oo horay usoo noqotay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeen hore ayaa sheegtay inay rajada wanaagsan tahay, isla markaana ay Soomaaliya ay haysato fursad weyn sidaas daraadeedna ay dalbaneyno in la garab istaago.

“Kursigan waxaa u fadhida Soomaaliya ee Fawsiya ma ahan, waxaynu u baahanahay inaynu xoogga saarno, baarlamaankuna uu qaraar kusoo saaro. Weligeed Soomaaliya ma qabanin, maanta aadbaa naloogu dhega nugul yahay ” ayay tiri Fawsiya Xaaji Aadan

Sidoo kale waxa ay sheegtay inay ka bixi karto jagadaas, hadii ay ku guuleysato, ayada oo ka sheekeysay taariikhdeeda waxbarasho iyo middeeda hoggaamineed.

“Ma ka bixi karaa ayay dadka is weydiinayaan”, haa waan ka bixi karaa, haddii ay khibrad tahay ” ayay ku jawaabtay Fawsiya Xaaji Aadan.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Shaqada waa ka bixi karaa, mana ku ceeboobi doonto Soomaaliya si weynbaan uga bixi karnaa weliba, Afrikana aan kor u qaadi karnaa”.

Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan oo sii hadleysa ayaa shaaca ka qaaday in ololaheeda uu billowday, ayna taageero ka heshay dalal badan oo hadda garab taagan Soomaaliya.

“Hankiina wuu jiraa, taageero badana waan haysanaa oo dalal ah waxaynu u baahanahay inaynu dhiirano” ayay mar kale tiri Fawsiya Xaaji Aadan

Soomaaliya ayaa xilligaan dadaal badan ku bixineysa sidii ay u xoojin laheyd dadaalka diblumaasiyadeed ee saaxiibaada caalamka, ayada oo daba-yaqaadii sanadkii tegay ee 2023-ka ku guuleysatay in Waare xil sare looga magacaabo urur-goboleedka IGAD.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa markaas noqday ku-xigeenka xoghayaha guud ee IGAD oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay. Magacaabistaas ayey xilligaas dowladda ku tilmaamtay mid sare usii qaadeysa sumcadda iyo maqaamka guud ahaan ee Soomaaliya.