“Farmaajo markii uu ololaha ku jiray waddani ayuu ahaa markuu kursiga helayna…”

Hargeysa (Caasimada Online) ― Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac “Guuleed Dafac” ayaa ka hadlay go’aanka ay xukuumada Madaxweyne Farmaajo ka qaadatay tallaabooyinkii ay maalmihii u dambeeyay qaaday dowladda Kenya.

Guuleed Dafac ayaa saluug badan ka muujiyey jawaabta xukuumada Farmaajo ka bixisay daan-daansiga Kenya ee go’aankii ay dhawaan qaadatay ee lagu xadaynayey dal ku galka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Garyaqaan Dafac ayaa ka dhawaajiyey in Madaxweyne Farmaajo ay wax badan iska badaleen mowqifkiisi waddaniyadeed ee uu lahaa waqtigii ololaha uu ugu jiray hogaaminta dalka.

Dafac ayaa sidoo kale waxa uu sheegay go’aankan ay xukuumada Farmaajo ka qaadatay xiisada Kenya inay tahay isbadel ku yimid waddaniyadii Madaxweyne Farmaajo oo wax badan iska badaleen markuu fuuley kursiga ugu sareeya dalka.

“Somalia cid waliba way ka adag tahay. Madaxwayne Farmaajo markii uu ololaha ku jiray waddani adag ayuu ahaa. Markuu kursiga ku fadhiistayna maya odhan kari maayo” ayuu ku yiri Garyaqaan Dafac qoraal uu ku qoray bartiisa Facebook.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com