Cali Gacal Casir: Puntland iyo xisbiyada qaar waxay nagu hayaan arrin xun

Cadaado (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ku sugan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa eedeyn u jeediyay qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyay qaar kamid ah hogaamiyaasha xisbiyada kala duwan ee ka dhisan dalka Soomaaliya.

Mr Casir ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay inay faragelin gudaha ah ku hayaan maamulka Galmudug, isaga oo sidoo kale sheegay in hogaanka xisbiyada qaar ee dalka ay qeyb ka yihiin faragelintaasi.

Wuxuu sheegay inay la doonayaan maamulka Puntland iyo xisbiyada masuuliyiinta hogaamiya inay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan maamulka Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

Walow uusan sheegin nooca ay tahay faragelinta Puntland ku heyso Galmudug, haddana waxaa muuqata ineysan la dhacsaneyn isfahamkii ugu dambeeyay ee ay wada gaareen madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.

Dhinaca Guddoomiye Casir ayaa waxaa sidoo kale uu sheegay in kulan ay yeesheen Xildhibaanada Galmudug iyo guddoonkooda ay soo dhaweeynayaan habraaca doorashada Dowlad goboleedyada oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

4 Bisha July ayuu sheegay inay doorashada Galmudug ka dhaceyso deegaanada maamulka Galmudug, islamarkaana ka hor lasoo dooran doono baarlamaanka maamulkaasi.

Waxaa kaloo uu sheegay in guddoonka Baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaanada ay dalbanayaan in cidii aan isku soo dhaweyneynin Madaxda Galmudug aysan kala fogeen, isaga oo eedeyn kulul u jeediyey Maamulka Puntland iyo Xisbiyada qaar.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com