Gabdhaha raaca bajaajta oo loo soo jeediyey 19-talo si ay u bad-baadaan (Aqri)

Talooyin fiican oo ku socota Gabdhaheena Raaca Bajaajka, amnigaaga awgii walaal:

1- Inta aad ka maarmi karto ha raacin bajaaj oo adeegso basaska caadiga ah.

2- Hadey huri weydo, waxaad fiirsataa bajaaj nin da’ weyni wado ama diin ka muuqato.

3- Wehel la’aan ha raacin bajaaj, ugu yaraan gabadh kale wehesho.

4- Marna ha raacin bajaaj laba nin isla wadaan.

5- Marna ha yeelin in uu wadada weyn ka leexdo sabab la’aan.

6- Waxaad yeelataa macmiil gaar ah oo marka aad u baahato aad wacato, 2, 3 ama xitaa 4 la yaqaano laguna kalsoonaan karo oo marba kii kuu dhaw aad wacato.

7- Ha ogolaan marna in uu qof nin ah uu wadada ka sii qaado isaga oo kuu kireysan.

8- Wadaha bajaajka hadii uu taleefan ku hadlo oo uu sheego meesha uu joogo ama uu ku soo socdo, waa dareen shaki keeni kara ee taxadar gal

9- Taleefonkaaga qaaligaa, dahabkaaga, iyo wixi kuu muhim ah meel adag gasho.

10- Marna ha ka yeelin in uu ku siiyo biyo, nanac, xanjo iyo wax la mid ah.

11- Marna ha u ogolaan in uu taleefan ku hadlo, una sheeg in aad ka dageyso haduu taleefanka damin waayo maadaama qaanuunka wadooyinka uu mamnuucayo.

12- Taarkada bajaajka sawiro intaadan raacin, sidoo kale lanbarada gudaha uga qoran, lana wadaag ehelkaaga iyo saaxiibadaa in aad soo saaran tahay bajaajka tilmaaantaas leh.

13- Ha ogolaan in uu gadaal soo fiirfiiriyo oo uu kula hadlo, wax sheeka ahna ha la furin, si cadna ugu sheeg in uu shaqadiisa ku ekaado iyo in aadan diyaar u aheyn hadalkiisa.

14- Hadii uu afduub ama in uu ku qasbo isku dayo, ha argagixin ee isdifaacid u diyaar garoow iyo in aad si dhiiranaan ah isaga dhiciso.

15- Haduu hub kuula soo baxo marna ha ogolaan in uu kugu handado, ogowna in uu rabo kaliya cabsi galin, sharaftaadana ku shahiid, marna ha u hogaansamin, hadiise uu rabo in uu wax aad wadato kaliya kaa qaato iska sii oo hala dagaalin.

16- Hadey gacan gaarto, waxaad isku daydaa in aad indhaha qalin ama faraha si xoogan uga dhaawacdo, labada gacmoodna aad kaga dhagdo kana mashquuliso in uu sii wado mootada.

17- Sanka nabar xoogan uga dhufo, marka horana nin kaa xoog badan bajaaj uu wado haba raacin.

18- Hadaad fursad hesho ka carar oo guri ama goob ganacsi oo furan ku carar.

19- Sawir ka qaad wadaha bajaajta ka dibna u dir qof ahalkaaga ah

Talada ugu fiican: intaad ka maarmi karto bajaaj ha raacin, wehel la’aanna ha raacin.

NABAD KU WAARA
shere dheh walal si ay u gaarto gabdho badan.

W/Q Amiir Qalinle
Mogadishu, Somalia