Sawirro: Muxuu Farmaajo ku wareejiyey Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Madaxweynaha mar labaad lasoo doortay ee Xasan Sheekh ayaa ka warbixiyey feylasha iyo dukumintiyada uu wareejiyey, kadib shan sano oo uu soo xukumayey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Farmaajo oo ugu horreyn soo hadal qaaday ciidankii loo qaaday Eritrea ayaa sheegay inuu Madaxweynaha cusub ku wareejiyey illaa 5,000 oo askari oo loo tababaray qaybaha kala duwan ee ciidamada Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ayaa tilmaamay in ciidamadaasi uu usoo dhammaaday tababarkooda, balse ay dib u dhigeen in la keeno, maadaama ay kusoo aadeen xilligii doorashada.

“Shan kun oo askari ayaa tababar u geynay Eretareeya waxa ay tababarka dhammeysteen sanadkii hore bartamihiisa, waxaana dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn doorashada dalka”ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu wareejiyey bad-qabka kheyraadka dalka oo aan ku dhicin wax isbedal ah, isaga oo sidoo kale soo hadal qaaday kiiskii badda ee soo dhammaaday.

Waxaa kale oo uu xusay in hantida dadka Soomaaliyeed ay sideedii tahay, isla-markaana uusan jiriN wax dhul ah oo uu milki ahaan u bixiyey.

Hawadii Soomaaliya ee lasoo celiyey, isla-markaana hadda laga maamulo magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah waxyaaba kale ee uu wareejiyey Farmaajo.

Sidoo kale sharciga doorashooyinka ayuu u dhiibay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed, si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Dhinaca kale wuxuu sheegay inuu jiro codsi ay u direen QM oo ku aadan xubinimada dalkeena, isla-markaana Soomaaliya ay golaha fariisan doonto 2025 illaa 2026.

Arrimaha kale uu soo hadal qaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa ka mid ah inuu wareejiyey barnaamijka deyn cafinta oo uu tilmaamay inay soo ka soo gudbiyeen illaa afar marxaladood, isla-markaana ay dhiman tahay hal marxalad oo kaliya.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in arrinta Somaliland ay weli halkeeda tahay, balse loo baahan yahay in lasii amba qaado wada-hadallada, si looga mira-dhaliyo midnimada.