Farmaajo oo $30,000 loo hadiyadeeyay qoyskiisa ugu deeqay dadka ay abaaraha saameeyen

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lacag dhan $30,000 dollar oo jeebkiisa ah ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha.

Lacagta uu Madaxweynaha ku biiriyay Guddiga ayaa la sheegay in hadiyad ahaan loogu keenay qoyskiisa, waxa uuna ku wareejiyay Guddiga abaaraha, isagoo sheegay inaanu indhaha ka qabsan karin abaaraha ka taagan Gobolada dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in lacagtaasi uu ugu arxamaayo Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa baahida iyo haraadka la jiifa guryadooda ee aan wali helin gargaar ku filan.

Lacagtan ayaa ah tii labaad ee uu gudiga ku wareejiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana la sheegay in lacagtaasi uu Guddoomay Sheekh Nuur Baarud oo kaalin mug leh ka qaadanaaya gurmadka Abaaraha.

Madaxweynaha ayaa laga soo xigtay inuu ka xanuunsanaayo waxa ka socda Gobolada dalka, isla markaana sheegay in Dowladiisa ay dhaqaalaha ugu badan ku bixin doonto Abaaraha.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre oo ka qeybqaadanaayay barnaamij ka baxaayay TV SNTV ayaa sheegay in isaguna uu ka qeybqaadan doono Gurmadka Abaaraha oo hadda ka socda magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa xiligii uu musharaxa ahaa Guddiga ku wareejiyey $30,000 doollaar oo uu ugu tallo galay in lagu qaboojiyo dadka ay abaartu saameysay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaaya Madaxweynihii ugu horeeyay oo dhaqaale jeebkiisa ah ku bixiya dhibaato ka taagan qeybo kamid ah dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com