Farmaajo oo amray in 3 cisho hoos loo dhigo calanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa war kasoo saaray geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo saddex cisho ah hoos loo dhigayo Calanka Soomaaliya, si loo muujiyo murugada geerida ku timid Marxuum Cali Mahdi.

“Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warkan qoraalka ah.

Sidoo kale waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qaraabada marxuumka iyo guud ahaan Ummadda Soomalaiyeed.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Cali Mahdi Maxamed uu door weyn kasoo qaatay dowladnimada iyo dib u dhiska dalka.

Halkan hoose ka aqriso:-

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wada dareemeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey.

Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.