SACIID DENI oo kala diray golihii deegaanka Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu kala diray golihii deegaanka degmada Boosaaso ee gobolka Bari.

“Madaxweynuhu markuu arkay, Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland. Markuu arkay, Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey, Go’aanka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala diridda Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso,” waxuu qaatay.

1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan shaqo joojin ku sameeyey guddoomiyaha degmada Boosaaso, iyadoo aan la shaacin sababta.

Wareegtadaan cusub ee lagu kala diray golaha laguma xusin goorta lasoo dooranayo maamulka golaha deegaanka degmada Boosaaso.

Boosaaso dhawaan waxaa ka dhacay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xabsiga dhexe ee magaaladaas, waxayna sheegeen inay kala baxeen 400 oo maxaabiis ah.

Hase yeeshee maalin kadib weerarkaas Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in qaar la dilay qaarna la qabtay xubnihii soo weeraray xabsiga iyo maxaabiistiiba.