Farmaajo oo dalab xasaasi ah hordhigay QM iyo UK

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan iyo danjiraha UK u fadhiya magaalada Muqdisho Ben Fender.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira xaaladda guud ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa James Swan iyo Ben Fender hordhigay dalab xaaasi ah oo ku aadan in Qaramada Midoobey iyo dowladda Ingiriiska ay Soomaaliya ka gacan siiyaan hanaanka deyn cafinta, doorashada 2021 iyo sidii ay dowladdiisu u baahin laheyd adeegyada aas aasiga u ah bulshada Soomaaliyeed.

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online labada mas’uul ayaa aqbalay dalabkaasi, iyagoo ballan qaaday in si deg deg ah loo fulin doono.

Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa agaasimaha guud ee madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), iyo qaar ka mid ah la-taliyeyaasha madaxweynaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa, sidii loo cafin lahaa deymaha lagu leeyahay dalka, taas oo hadii ay ku guuleysato suura gelineyso in maalgashi caalami ah lagu sameeyo Soomaaliya.

Halkaan ka daawo Kacaan cusub oo Muqdisho ka dilaacay iyo dagaalka Axmed Madoobe iyo ciidanka DF

Halkan hoose ka daawo Sawirro:

Halkaan ka daawo Farmaajo oo dalab culus hor dhigay Deni & dhexdhexadinta Somalia iyo Kenya oo bilaabatay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com