Siciid Deni oo Imaaraadka u saxiixay heshiis ay ka diideen Cabdulaahi Yuusuf, Cadde Muuse, Faroole iyo Gaas

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda imaaraadka Carabta u saxiixay heshiis dhigaya in ammaanka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ay la wareegaan saraakiil u dhashay dalka Imaaraadka.

Heshiiskaan ayaa meesha ka saaraya ciidamo 50-askari ku dhow Soomaali ah kuwaas oo horay u sugi jiray amaanka garoonka, waxaa bedelaya dhalinyaro soomaali ah oo imaaraadku tabababaray kuwaas oo ay kor ka maamulayaan ilaa afar sarkaal.

Madaxeweyne Siciid Deni ayaa heshiiskan ku soo bandhigay shirkii u dambeeyay ee wasiirada Puntland.

Imaaratka carabta oo horay saldhig ugu lahaa Boosaso gacantana ku hayay ciidamada badda ayaan la ogeyn sababta uu u daneynayo la wareegista ammaanka garoonka diyaaradaha Boosaso.

Waxaa la aaminsan yahay in ujeedka imaaraadku yahay sugitaanka xogta diyaaradaha u socda si aan loo ogaan waxa ay sidaan iyo waxa ay qaadayaan.

Heshiiska uu Dani u saxiixay Imaaraadka Carabta ayaa ah mid qarsoodi ah lamana soo marin Baarlaamanka Puntland taasoo shaki weyn abuurtay.

Heshiiskaan uu saxiiay Deni waxaa horey Imaaraadka Carabta uga diiday madaweynayaashii soo maray  Puntland sida Cabdulaahi Yuusuf, Cade Muuse, Faroole iyo Gaas.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ay jirto dhagaxaan aan la aqoon waxa ay yihiin oo laga keeno bariga fog kadibna laga dhoofiyo garoonka waana taas mida la aaminsan yahay sababta uu imaaraadka loogu wareejinayo amaanka garoonka .

Waxaa shaqo la’aan iyo nolol adag soo wajahi doontoo ciidamadii soomaalida ahaa ee horay u joogay kuwaas oo laga baqayo in ay sameeyaan gadood looga soo horjeedo heshiiska.

Imaaratka carabta ayaa horay ula wareegay dekedda Boossaso taas oo aan ilaa hada la dhisin.

Halkaan ka daawo Kacaan cusub oo Muqdisho ka dilaacay iyo dagaalka Axmed Madoobe iyo ciidanka DF

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com