Sawirro: Farmaajo oo duceystay una soo duceyay shacabka Soomaaliyeed

Jiddah (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed ayaa usoo duceeyay shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo oo ku sugnaa magaalada Madiina ayaa isagana iskugu duceeyay inuu alle u fududeeyo xilka culus ee loo dhiibay, isagoo u rajeeyay Soomaaliya inay guuleysato.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu duceeyay inuu alle ka dulqaado abaaraha iyo amni la’aanta heysata muddada badan.

Madaxweynaha ayaa tagay magaalada Jiddah, halkaasi oo madax kale uu kulamo kula qaadanayo, waxaana looga hadlayaa arimaha Soomaaliya iyo Sacuudiga.

DOwladda Sacuudiga ayaa dano gaar ah sanadkaan ka leh xaalada Soomaaliya, waxaana jira dagaalo siyaasadeed oo kala dhaxeeyay dalal Soomaaliya saaxiibo dhow la tahay.