Xog: Gaas oo lagula taliyey in uu isaga guuro Garoowe iyo xiisad ka taagan

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey safaro dibada ah kaga maqnaa Puntland ayaa lagula taliyey in muddada uga dhiman xilkiisa ku shaqeeyo magalaada Bossaso, kana guuro Garoowe, sida laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay.

Xogta ayaa sheegeysain gudoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi uu Madaxweynaha Puntland taladaan siiyey isagoo xusey in mid lamid ah horey u siiyey dowladii uu Madaxweynaha ka ahaan jirey AHN Cadde Muse ayna shaqeysay.

Xogtaan ayaa sheegeysa in soo jeedinta Axmad Cali Xaashi uu diidey madaxweyne ku xigeenka Puntland iyadoo muddooyinkii dambe uu xumaa xiriirka shaqo ee u dhexeeya labada mas’uul ee ugu sareeya Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Barlamanka Puntland uu ku fasirey sababaha aan loogu shaqeyn karin magaalada Garowe  ay tahay madaama xildhibaanada golaha wakiilada intooda badan diidan yihiin xaalada Puntland ku sugan tahay waqtigan (Hostile Parliament) halka dhinaca kale hoos u dhac weyn ku yimid kalsoonida shacabka dagan magaalo madaxda Puntland ku qabaan xukuumada talada haysa sidaa darteed uu mucaaradku ku badan yahay.

Magalaada Bossaso oo ah xarunta ganacsi ee ugu weyn Puntland islamarkaana ku nool yihiin shacab badan ayaa wararku sheegayaan in madaxweyne Gaas loogu sheegey Iney sahlan in lagula tacaalo  mowjadaha siyasadeed ee waqtigaan ka jira Puntland.

Dhinaca kale magalaada Galkacayo oo 240km u jirta magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa waxaa ka taagan xaalad dhaqaale xumo, amni Daro taasoo sababtey in shacabka dagan dhumiyaan kalsoonida ay ku qabeen in dowlada Madaxweyne Gaas xal u heli karto arrimaha cakiran ee ka taagan magaalo madaxda gobolka Mudug.

Madaxweyne Gaas ayaa xafiis shaqo uu fariisto waxaa ugu dambeysay muddo ka badan Hal sano iyo bar ah iyadoo xogaha laga helo xusayaan in marka uu joogo Puntland shaqada ku qabto fadhiga aqalka uu ka dagan yahay xarunta madaxtooyada magaalo madaxda Garowe, Boosaaso iyo aqalka uu ka dago magalooyinka Galkacayo iyo Qardho.

Shaqada Guddoonka Barlamanka Puntland 

Guddoonka Baarlamanka Puntland oo horey u curyaamiyey howlihii gudiyada joogtada ah ee aqalka wakiilada qaban jireen sida la xisabtanka hay’adaha dowlada ayaa bilaabey iney xogta xildhibinada u gudbiyaan Madaxweynaha Puntland  kuwasoo dhaafsanaya dano dhaqaale.

Warar aan ka helney Ilo kalsoon yahay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha ku xigeenka Kowaad ee Baarlamanka Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan dhowaan digniin ku saabsan guuxa siyasadeed ee ku jira xildhibanada u gudbiyey madaxweyne Gaas oo ku sugan wadanka Imaraadka Carabta. Madaxweynaha Puntland ayaa wararku sheegayaan in Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Barlamanka uu waydiiyey in wax laga qaban karo dhaqdhaqaaqa xildhibaanada iyo in kale isagoo markii dambe u sheegey in xalka kaliya ay leedahay ay yahay inuu magalaada Garowe isaga soo tago.

Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Baarlamanka Puntland Cabdixamid Sheekh Cabdisalaan wadatashigaas kadib madaxweyne Gaas ugu tagey wadanka Imaraadka Carabta oo waqtigaan ku sugan yahay.

Guddoonka Barlamanka Puntland iyo xubno ka tirsan xildhibaanada ayaa madaxweyne Gaas dhaqaale badan kaga qaata sidii looga hortagi lahaa mooshinada lagula xisaabtamayo xukuumada Puntland.

Xubnaha ka tirsan aqalka wakiilada Puntland oo madaxweyne Gaas ka caawina sidii lagaga hortagi mooshinada Barlamanka ayaa waxaa ka mid ah; Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Cabdixamid Shiikh Cabdisalaan, Gudoomiye ku xigeenka Labaad Xuseen Xaaji Yaasiin, Xildhibaan Saadiq Garaad, Xildhibaan Maxamad Farax Nuux ‘ ‘ ‘Nuix Dheere’ , Xildhibaan Maxamud Farax Warsame iyo kuwa kale.

Xubnahaan isugu jira Guddoonka Barlamanka iyo xildhibanada ayaa dadka la socda qaababka ay adeegsadaan waxay sheegeen iney kamid tahay; Iney dhageystaan wakiilada aqalka kana mid noqdaan shirarka lagaga arinsanayo qaabab loo wajahayo arimaha taagan kadibna wargaliyaan Madaxweynaha Puntland iyo Gudoomiyaha Barlamanka kuwasoo lacag kaga qaata sidii lagaga hortagi kacdoonkaas siyaasadeed.

Isha: GO

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com