Ireland: Xaflad lagu soo dhaweeyey magacaabista R/W Kheyre

Munaasabad aad u balaaran oo lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra”iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xalay lagu qabtay magaalada Dublin ee Caasimadda Wadanka Ireland.

Xafladdaan oo ay kasoo qeybgaleen dhamaan Jaaliyadda Somaliyeed ee wadanka Ireland ayaa lagu taageeray Madaxweyne Farmaajo iyo sida dhaqsiyaha badan ee uu usoo magacaabay Ra”iisul wasaaraha.

Guddoomiyaha Jaaladda Somaliyeed ee Wadanka Ireland Xaaji Axmed Gadaf ayaa u Hambalyeeyay Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna ugu baaqay inuu adkeeyo balanqaadkiisii ahaa inuu ka shqeynaayo danta Dalka iyo dadka.

Dhamaan dadka kasoo qeybgalay ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Ra”iisul wasaaraha waxeyna Baarlamaanka Soomaaliyeed sidoo kale ugu Hambalyeeyeen Isbadalka ay dalka ka hirgeliyeen

Ugu dambeynti Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliya ee Wadanka Ireland Xaaji Axmed ayaa Somalida ku dhaqan wadankaan ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan Gurmadka abaaraha si loo badbaadiyo dadka ay dhibaatada heysato, waxaana Madasha Xafladda lagaga dhawaaqay Yabooha cid kasta oo ka qeyb galeysa Gurmadka Abaaraha.