Muxuu Faarax Macallin ku qeexay magacaabista Xasan Cali Kheyre?

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka Kenya Faarax Macallin ayaa ka hadlay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee uu khamiistii xushay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiista twitter-ka ayuu Faarax Macallin ku sheegay inaysan jirin qof ka haboon Xasal Cali Kheyre oo xilkan loo dhiibi lahaa, sida ay asaga la tahay.

“Xasan Cali Kheyre waxaan garanayey muddo 11 sano ah, mana ka fakari karo qof shaqadan kaga habboon oo loo dhiibi lahaa. Somalia ugu dambeyn si sax ah ayey u haleeshay” ayuu yir Faarax Macallin.

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya, ayaa xilkan qaban doona marka si rasmi ah uu baarlamanka u ansixiyo, islamarkaana la dhaariyo.

Waxaa hadda magaalada Muqdisho ka socda dadaallo ay wadaan madax ay ka mid yihiin Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan oo xildhibaanada looga dhaadhicinayo inay codkooda siiyaan oo ay ansixiyaan Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com