Doorashadii Farmaajo: Hannaan dimoqraaddi ah mise Hawiye is-neceb?

Doorashadii bisha Febraayo siddeedeedii dalka ka dhacday, wareeggeedii koowaad, musharraxiinta Hawiye waxay heleen, wadar ahaan, codad 200 ka badan, halka musharraxiintii Daarood ee la tartamayay ay ka heleen wax ka yar 100 cod. Halkaas waxa aan ka garan karnaa in Hawiye uu guusha isu diiday oo uu Farmaajo doortay.

Doorashada Hawiye uu Farmaajo doortay, dhab ahaantii, laba macno mid ayay yeelan kartaa. Macnahaas ay yeelanaysaana waxa uu si cad uga soo muuqan doonaa hadba Ra’iisul Wasaaraha uu Farmaajo soo doortay sida ay ula shaqeeyaan:

1- Macnaha toganaha ah ee aynu ka aqrisan karno Hawiye oo guul heli karay in uu Farmaajo doortay, waxa weeye isbeddel la doonayay iyo rabitaanka shacabka oo loo hoggaansamay. Waa barnaamijka uu soo bandhigay Farmaajo oo loo bogay iyo wacyiga dimoqraadi iyo Soomaalinimo oo kordhay, waana guul iyo ammaan ay mudan yihiin dhammaan Ummadda Soomaaliyeed oo uu Hawiyaha gogosha dhigay, hoggaankana si nabad ah oo niyad samaan ah ku wareejiyay, ugu horreeyo. Waa ha noolaato hana israacdo iyo Jamhuuriyaddii labaad oo Soomaaliya ka curatay.

Arrinku in uu sidaas yahay waxaa la rumaysan doonaa kolka Farmaajo Wasiirka Koowaad ee uu soo magacaabay si laab-furnaan iyo niyad-samaan ah loola shaqeeyo, lagana dhex arko in uu fulinayo barnaamijkii loo codeeyay, laguna ixtiraamo ninkii loo codeeyay.

2- Macnaha tabanaha ah ee aynu ka aqrisan karno Hawiye oo guul heli karay in uu Farmaajo u codeeyay, waa in aanu guul dhexdiisa isu oggolayn, intii nin Hawiye ahi guusha heli lahaana Daarood ha qaato.

Arrinku in uu sidaas ahaa waxa ay soo baxaysaa kolka Farmaajo oo ay shalay ahayd in ay batnaamij uu watay, jacaynka shacabku u qabay iyo doorasho xalaal ah ku doorteen, qofka uu Hawiye ka soo dhex xushay ee in uu barnaamijkiisa fulin karo ku doortsy Hawiye diido.

Taas micneheedu waxa weeye, “haddii ay ii muuqatay in kursiga madaxweynuhu i dhaafayo, aan Hawiye kale u diido, hadda oo Ra’iisul Wasaare la dooranayana haddii aan aniga la’i siinayn aan Hawiye kale u diido”.

Waxan sugaynaa labadaas jid midka ay maskaxda Hawiye raacdo: “Hawiye dowladnimo ma rabee Hawiye kaluu usha iyo eebada u sitaa”, mise “wacyi bisayl, isbeddel doon iyo dimoqraadiyad dhab ah oo Soomaaliyi gaartay, Hawiyena horseed ka yahay”.

W/Q: Sabriye Musse
sabkaxaaji@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid