Xasan Cali Kheyre oo durba ku dhacay qaladaad iyo xadgudub dastuuri ah + Caddeymo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa durba ku kacay qaladaad dastuuri ah, maalin kadib markii uu magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay ku ogaanay dabagal ay sameysay Caasimada Online..

Xasan Cali Kheyre ayaa shalay magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya David Concar, sida uu ku baahiyey bartiisa twitter-ka.

Waxa uu Kheyre farriin uu soo dhigay twitter-ka u u qoray sidan “Waxaan kulan saaxiibnimo oo miro dhal ahaa la yeeshay safiirka Britian ee Soomaaliya David Concar. Waxaan ka wada hadlanay danaha labada dal.”

Inkasta oo kulanka uusan wax dhib ah ku sugneyn, oo uu noqon karo isbarasho, haddana Xasan Cali Kheyre ma matali karo danta dalka Soomaaliya iyo Soomaaliya guud ahaan, oo cidna kalama hadli karo, maadaama uusan weli ahayn ra’iisul wasaare, islamarkaana uu xilkas qaadan karo oo kaliya marka uu ansixiyo baarlamanka loona dhaariyo xilka.

Aqri qodobka 104-aad ee baarlamanka Soomaaliya oo arrintaas ka hadlaya, waxaana uu u qoran yahay sidan:- “Raisul-Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirradu markay helaan codka kalsoonida inta aysan xilkooda bilaabin, waxa lagu dhaarinayaa kalfadhi gaar ah ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, waxaana dhaarinaya Gudoomiyaha Maxkamadda sare”.

Waxa uu sidoo kale u baahan yahay in wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay macluumaad guud ka siiso siyaasadda arrimaha dibedda dalka ka hor inta uusan dalalka kale kala hadal arrimaha Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre waxa uu sidoo kale ku xadgudbay mas’uuliyadda iyo waajibaadka weli saaran ku-simaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo dastuurka weli uu siinayo inuu yahay madaxa xukuumadda inta ra’iisul wasaraaha cusub laga dhaarinayo.

Qodobka 103-aad ee baarlamanka ee “Xukuumadda gaarsiinta” ayaa u qoran sidan: “Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, RaisulWasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah”

Sida ku cad qodobkaas, inta laga dhaarinayo Xasan Cali Kheyre waxaa dalka ra’iisul wasaare ka ah Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaana cad in Xasan uu kusoo xadgudbay awoodda dastuuriga ah ee ra’iisul wasaare Sharmaarke.

Ka sokow, la kulanka David Concar, ra’iisul wasaaraha magacaaban Xasan Cali Kheyre, waxa uu bartiisa twitter-ka ku qortay “Somalia Prime Minister” oo macnaheedu yahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sida aad ka arki kartaan sawir ay Caasimada Online ka qaaday, si aan u keydino, maadaama laga yaabo in la beddelo.

 

Waxaa xusid mudan in Xasan Cali Kheyre uusan ahayn ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, illaa uu ansixin ka helo baarlamanka, islamarkaana laga dhaariyo, inta ka horeysana waxaa mas’uuliyadda xilkaas sii wadaya Cumar Cabdirashiid. Ma ahan inuu sheegto ra’iisul wasaare uusan weli ahayn.

in kasta oo bartan twitter tahay tan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, haddana ma ahayn in magaciisa la raaciyo inta laga ansixinayo oo laga dhaarinayo.

Ma cadda in ra’iisul wasaaraha magacaaban ay arrimahan ku qaadeen fudeed iyo inuusan weli si wanaagsan u fahamsaneyn awoodihiisa iyo qodobada dastuuriga ah ee ka hadlaya xilka ra’iisul wasaaraha.

Warbixintan waxaa diyaariyey qeybta daba-galka ee Caasimada Online. Caasimada Online, waxaa ka go’an inay madaxda tusto qaladaadkooda. Marna runta uga leexan meyno cid gaar ah darteed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com