FARMAAJO oo farriin culus mucaaradka ugu diray sida loo tuuray Prof. JAWAARI

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta qabtay doorashada kursiga uu muranka badan ka taagan yahay ee HOP#103, kaas oo uu horay ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Doorashada kursigan ayaa waxaa ku soo baxay Maxamed Cali Xasan oo helay 78, halka musharax Mukhtaar Cali Ibraahim oo la tartamay uu isna helay 18 cod, sidoo kale waxaa halaabay 4 cod, sida uu sheegay guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Maxamed Cali Xasan ayaa ah wasiirka howlaha guud dib-u-dhiska iyo guryeynta Koonfur Galbeed, wuxuuna ka mid yahay xubnaha sida aadka ah ugu dhow Lafta-gareen, oo xulafo siyaasadeed yihiin Farmaajo.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa shalay ku dhawaaqay in la hakiyey doorashada kursigaas, inkasta oo Koonfur Galbeed ay ku gacan seertay go’aankaas, ayna maanta qabatay doorashada, taas oo uga sii dareysa muranka ka taagan kursigaas.

Haddaba, Maxay ka dhigan tahay in Jawaari laga reebo tartanka, lagana tuuro kursiga HOP#103?

Sida ay qabaan fallan-qeeyayaasha siyaasadda qaarkood arrintan ayaa ah farriin culus oo uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullahai Farmaajo u diray mucaaradka oo ah inuu ka dagaalami doono inay dib u soo laabtan siyaasiyiintii ay is hayeen.

Jawaari ayaa xilka laga tuuray 9-kii April 2018, kadib markii ay isku dhaceen Farmaajo. Waxaa xiligaas booskiisa la wareegay Maxamed Mursal oo saaxiib dhow la’ah Farmaajo, haddana dib usoo laabtay.

Keliya ma aha Jawaari waxaa sidoo kale ayagana qorshahaan ku bixi doona siyaasiyiin si weyn u mucaarada Farmaajo, haddii aan wax laga bedelin qaabka ay hadda u socoto doorashada Aqalka Hoose.

Sidoo kale Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hadda cadaadis aan caadi aheyn kala kulmaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Lafta-gareen, si ay uga reebaan doorashada Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Villa Somalia ayaa ka hor istaagtay Shariif inuu difaacdo kursigiisa madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed sanadkii 2018-ka oo lagu qasbay inuu ka haro tartanka, sidoo kalena hadda waxay rabtaan inay ka wareejiso kursiga xildhibaanimo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah Midowga Murashaxiinta ayaa horey u sheegay in haddii Farmaajo uu ku guuleystay inuu hor-istaagay murashaxnimada xildhibaanimo ee Jawaari, uu sidoo kale isna u diidi karo inuu madaxweyne isku sharxo.

“Haddii Jawaari loo diiday shahaado tartan xildhibaan, sideen aniga mida tartanka madaxweynaha ku helayaa?,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdisakuur.

“Haddii Farmaajo horay waxba u xeerin ee uu labo Guddoomiye Baarlamaan midna xilka ka tuuray, kii kalana Villada ka soo cayrsaday, labo Raysalwasaare midna xilka ka tuuray, midna la dagaalay, haddana dib u ceshaday. Haddii uu xildhibaano u diiday in ay Baarlamaanka soo galaan, Mucaaaradkii iyo madaxdii dalka uga horreysay xabbad iyo weerar ku simay.”

Doorashada Golaha Shacabka ee ka bilaabatay dalka ayaa waxaa kusoo baxay saaxiibo si weyn ugu dhow Farmaajo, kuwaasi oo loo doortay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka go’an in sidii ay doonto ha ku dhammaatee uu awood ku maquuniyo doorashada.

Si kastaba, Mucaaradka oo fahamsan in sida wax ku socdaan haddii laga bedeli waayo uu sidaas markale kursiga ugu sareeya dalka ugu soo laabanayo Farmaajo, ayaa bilaabay dadaalo culus oo wax looga badalayo hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka.