Daawo: Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo u goostay dhanka ciidanka PSF

Boosaaso (caasimada online) – Askar ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland kuwaas oo sheegay in ay ka soo bexeen difaacyada aaga Kalabeydh una wareegeen dhinaca ciiidamada PSF oo uu khilaaf kala dhaxeeyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa waxaa ay sheegeen inay difaacyada uga soo baxeen duruufo kala duwan iyo in xukuumadda Deni ay dooneyso inay ciidamada iska horkeenaan.

Saraakiisha ciidamada PSF ee ciidamadaan soo dhaweeyay ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in aysan diyaar u aheyn inay dagaal la galaan ciidamada kale ee Puntland oo hal cadaw ay leeyihiin, islamarkaana ay soo dhaweeynayaan ciidamo kasta oo dhankooda soo aadaya.

Dhanka kale, duqa magaalada Boosaaso Cabdullaahi Deero-dile oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Boosaaso ayaa sheegay iney jiraan ciidamo daacad u ahaa agaaismihii xilka qaadista lagu sameeyay, kuwaasoo haatam u soo goosanaya dhanka Maxamed Amiin, oo ah sarkaalka uu Siciid Deni u magacaabay inuu hoggaamiyo ciidamada PSF.

“Ciidamo badan oo PSF ah ayaa ku biiray garabka agasimaha cusub madaxweynaha magacaabay,” ayuu yiri duqa magaalada Boosaaso Cabdullaahi Deero-dile.

Xaaladda magaalada Boosaaso ma fadhiso, ciidan badan ayuuna Saciid Deni dhankiisa geeyey. Maalin kahor waxaa halkaas tagay wasiirka amniga ee Puntland Cabdisamad Gallan iyo taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland.

Dooda ugu weyn ee hadda taagan ma ahan xil ka qaadista ee waa xilliga ay kusoo aaday. Deni waxaa lagu eedeynayaa inuu rabo inuu boobo 16 kursi oo taalla magaalada Boosaaso oo golaha shacabka ah, laakiin haddii uusan helin ciidanka PSF waxaa la isku raacsan yahay inuusan boobi karin kuraastaas.

Halkaan ka daawo muuqaalka ciidamada soo goostay