Farmaajo oo ka qeyb-galay munaasabad ka dhacday VILLA SOMALIA + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayey maalinta Calanka ee 12-ka October oo maanta ku beegan.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Villa Soomaaliya, ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay guddoomiyaha golaha shacabka, guddoomiyaha maxkamadda sare, taliyeyaasha ciidamada, duqa magaalada Muqdisho, xildhibaano, wasiiro iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka munaasabaddan ayaa wuxuu ahaa in lagu weyneeyo maalinta aas-aaska Calanka ee 12-ka October, waxaanana salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga.

War kasoo baxay xafiiska Farmaajo, kadib munaasabadda ayaa waxaa marka hore hambalyo loogu diray shacabka Soomaaliyeed, iyada oo looga hadlay muhiimadda Calanka.

“Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 67 sanno ka hor halyey Maxame Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Villada.

Sidoo kale madaxweyna muddo xileedkiisi dhammaaday ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca dalkooda iyo ilaalinta danaha qarankooda, si loo ilaaliyo dhaxalka awooweyaasheenna, jiilasha danbe na loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan.

Dhanka kjale Rooble ayaan ka qeyb-gelin munaasabaddan oo lagu xusayey maalinta qaran ee Calanka Soomaaliya, waxayna tani ay muujineysaa in weli meeshii ugu sarreysay uu taagan yahay khilaafka ka  aloolsan Villa Soomaaliya ee u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa isna dhankiisa si gaar ah ugu hambalyeeyey dadka Soomaaliyeed, kadib qoraal uu soo saaray goor sii horreyay wuxuuna yiri “Waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor. Calankeena ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto. Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda,”.

Sanad walba maanta oo kale 12-October ayaa si weyn loo xusaa maalinta Calanka, iyada oo la qabto xaflado iyo damaashaadyo kale oo lagu weynaynayo markii ugu horeysay oo la isku raacay Calan Soomaaliya leedahay waxaana inta badan laga sheekayaa taariikhdiisa.