Taliyihii Nabad Sugidda Dayniile iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa oo qarax lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax miino oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo uu la socday taliyaha nabad sugida Dayniile Cabdishakuur Raage (Cabdi Yare) iyo askar uu watay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa inoo sheegay in weerarkan qaraxa ah ay ku dhinteen taliyaha iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, kadib markii ay miinadu haleeshay gaarigooda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilligaasi taliyaha nabad sugida Dayniile Cabdi Yare iyo ciidanka la socday ay howl-gal amni xaqiijin ah ka wadeen duleedka degmadaasi.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, waxaana ay shaacisay inay ku khaarijiisay taliyihii nabad sugidda Dayniile oo bartilmeed u ahaa iyo sidoo kale 11 askari oo ka mid aaah ciidamada ilaaladiisa, sida ay hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi ay waxyeelada kasoo gaartay ciidamada ammaanka.

Weerarkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmo ka hor guddoomiyaha maamulka Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar oo wacad ku maray inuu la dagaalami doono, kana hortagi doono kooxaha falalka ammaan darri ka geystay deegaanada hoos yimaada degmadaasi Dayniile.

Qaraxan ayaa ka qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha caasimada, kuwaas oo isugu jiray qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba.