DF oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan qorshaha howlgalka AMISOM loogu beddelayo mid QM ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay kasoo horjeeddo in hawlgalka AMISOM loo bedelo mid nabad ilaalin oo ay wadajir uga hawlgalaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

War-saxaafeed ay daabacday Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, balse kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay si xooggan u diiddan tahay qorshaha uu ku talinayo hawlgalka wadajirka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Maalintii shalay ayaa Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika uu sheegay inuu taageersan yahay qorshaha ku saabsan hawlgalka wadajirka ah.

Qorshahaas waxaa markiisii hore soo jeediyey guddi qiimayn ah oo Midowga Afrika usoo diray Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay horey u diidday qorshahaas bishii July ee sannadkan.

Qorshan ayaa hadii uu dhaqan galayo waxaa laga doonayaa inay ansixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayna aqbasho dawladda Soomaaliya.

Taariikhda la qorsheeyey in howlgalkaas uu billowdo ayaa ah Janaayo 2022.

Midowga Afrika ayaa sheegay inuu doonayo in howlgalka lagu fuliyo qodobka VII (7) ee Axdiga QM. Qorshahan ayaa u baahan inuu ansixiyo Golaha Ammaanka QM.

Ururka ayaa sidoo kale doonaya in la ballaariyo tirada dalalka ku tabaruca ciidamada Amisom, oo hadda ah shan dal oo kala ah; Ethiopia, Uganda, Burundi, Kenya iyo Djibouti, kuwaas oo ay Soomaaliya ka joogaan19,000.

Dawladda Soomaaliya ayaa doonaysa in hawlgalka AMISOM looga gudbo ciidamada AMISOM si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadda amniga dalka loogu wareejiyo ciidamada Soomaalida.

VOA