Soomaaliya oo loo xukumay inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya (Aqriso)

Hague (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inta badan kiiskii dacwadda badda ee kala dhaxeeyey Kenya, ayada oo loo xukumay dhul-badeedkii la isku hayey badankiisa, sida aygo’aamisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Maxkamadda ayaa marka hore diiday doodda Kenya ay aheyd inuu jiro heshiis ama is-faham labada dal ay isku raacsan yihiin oo ah inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka, waxayna ayidday doodda Soomaaliya oo aheyd inaanu jirin heshiis noocaan oo kale ah.

Maxkamadda ayaa kadib aqbashay codsiga Soomaaliya ee ahaa inay go’aan ka gaarto xuduud badeedka labada dal, waxayna Maxkamadda ICJ ayiday doodda Soomaaliya ee aheyd in xadaynta lagu saleeyo xariiqda tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda.

Sida ka muuqata sawirka hoose, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka, waxaana 12 mile kadib xariiqda in yar loo qaloociyey dhanka Soomaaliya. 

Saddexda sawir ee hoose, midka koowaad wuxuu muujinayaa labada xuduud ee ay kala sheegteen Soomaaliya iyo Kenya. Midka labaad wuxuu muujinaya xariiqda ay Maxkamadda go’aamisay. Midka saddexaadna wuxuu muujinayaa dhul badeedka yar ee laga reebay dhanka Soomaaliya, kaasi oo ka billaabmaya kaliya marka la dhaafo 12 mile oo dhanka badda ah kadib.

Kenya ayaa dooneysay in xuduuddu ay ku salaysnaato loolka oo ah in xariiqda loo qaloociyo dhanka Soomaaliya, kaasi oo Soomaaliya ay ku weyn laheyd dhul aad u baaxad weyn oo dhan 100,000 oo isku wareeg KM ah.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay inaysan aqoonsan doonin go’aanka Maxkamadda ayada oo sheegtay inay diiday sharciyadda ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) u haysato inay qaado kiiskan, waxayna sheegtay inay ka baxday maxkamadda.

“Ka sokow inay ka baxeyso ka qeyb-galkeeda kiiskan, Kenya waxay sidoo kale kula biireysa dalal kale oo xubno ka ah QM kala noqoshada aqoonsiga sharciyadda qasabka ah ee Maxkamadda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Sabtidii.

Kenya ayaa ka cabatay in Maxkamadda ay dhinac u janjeerto, islamarkaana aysan ku habooneyn inay xaliso kiiskan.

Kenya ayaa bishii March ee sanadkan qaadacday dhageysi oraaheedkii ugu dambeeyey ee kiiska kadib markii Maxkamadda ICJ ay diiday inay mar kale dib u dhigto dhageysiga dacwadda, sida ay codsatay Nairobi. 

Go’aanka Maxkamadda ayaa ah mid kama dambeys ah oo aan laga laaban karin. Sidoo kale, ma jirto Maxkamad middan ka sareysa oo ay dalalku racfaan u qaadan karaan.

Maxkamadda ma lahan awood ay ku fuliso go’aanka ay gaartay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaan marnaba welwel ka qabin in awood wax looga qaato, waxaana walaaca ugu weyn ee umadda Soomaaliyeed uu ahaa in sharci caalami ah aan ku weyno dhul badeedkeena.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay Kenya isku dayday inay wada-xaajood ku qaadato qeyb ka mid ah baddeena.