Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay guusha laga gaaray kiiskii badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd ka hadlay guusha ay inta badan ka soo hoysay Soomaaliya kiiskii dacwada badda ee ay xukmisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Xasan Sheekh ayaa ahaa madaxweynihii go’aansaday inuu Kenya la tiigsaday Maxkamadda ICJ, si uu uga difaaco isku daygii ay ku boobi laheyd badeenna, go’aankaas oo maanta miro dhalay.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii hambalyo u diray dhamaan umadda Soomaaliyeed, isagoona sheegay in guusha weyn ay tahay mid ummadeed, una soo hooyatay umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Waxa uu ka digay in guusha kiiska dacwadda badda ay sheegato koox gaar ah ama shaqsiyaad gooni ah, wuxuuna carabka ku adkeeyay inay ku timid fikir, dadaal shaqo iyo midnimada Soomaaliyeed.

“Guusha weyn ee Soomaali u soo hooyatay waxaa rabaa in hoos loo soo dhigin oo wax qof sameeyay iyo qolo gaar ah sameysay aan laga dhigin. Guul dadka Soomaaliyeed meel kasta oo caalamka jooga u soo hooyatay. Guul waaye jiilasha dhalan doona u iman doonta waayo taariikh ayey galayaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Waxa weeyi aqoonsigeeni qeybo kamid ah oo dood naga galay oo ku guuleysanay Soomaali haddaa nahay, anaguna adeegayaashii ka adeegayay ayaa nahay oo warqadaha siday, xoolaha Soomaaliya lagu bixiyey magaca Soomaaliya ayaa lagu dacwooday, qof muwaadin ah iskama dacwoon karo, dowlado ayaa ku dacwooda, waxaana dowladaha iska leh shacabka Soomaaliyeed.”

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in guusha badda la weyneyo maqaamkeeda oo aan hoos loo soo dhigin marnaba, maadama ay muujineyso wada-jirka umadda Soomaaliya, ayna ku timid midnimadooda.

Maxkamadda ICJ ayaa maanta guusha kiiskii dacwadda badda u xukmisay Soomaaliya, ayada oo meesha ka saartay doodda Kenya ee aheyd inuu jiro heshiis ama is-faham labada dal ay isku raacsan yihiin oo ah inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka, waxayna ayidday doodda Soomaaliya oo aheyd inaanu jirin heshiis noocaan oo kale ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale aqbashay codsiga Soomaaliya ee ahaa inay go’aan ka gaarto xuduud badeedka labada dal, waxayna Maxkamadda ICJ ayiday doodda Soomaaliya ee aheyd in xadaynta lagu saleeyo xariiqda tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda.

Hoos ka daawo Xasan Sheekh