Madaxweyne Farmaajo oo ku dhowaaqay mowqifka Soomaaliya oo go’aanka Maxkamadda ICJ + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay aqbashay go’aanka Maxkmadda ICJ ay maanta ka gaartay kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya.

Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Kenya inay aqbasho go’aanka Maxkamadda, islamarkaana iska deyso boor isku qariska iyo carqaladeynta ay ku hayso baddeena.

Farmaajo ayaa sheegay inuu rajeynayo in xukunka Maxkamadda uu bog cusub u noqdo xiriirka labada dal, islamarkaana ay hadda kadib ku wada noolaadaan deris wanaag iyo is-ixtiraam. 

“Dowladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay u hoggaansameyso go’aanka maxkmadda, anagoo ka rajeyneyna dowladda aan deriska nahay ee Kenya inay ilaaliso sareynta sharciga caalamiga ah, aysan iska ilaawdo damaceeda marin habaabinta ah, taas bedelkeedna ay go’aanka maxkamadda u qaadato fursad lagu xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Kenya ka dalbaday in dowladooda ay ku cadaadiyaan in gobolka nabad loogu wada noolaado, iyadoo meel looga soo wada jeesanayo argagixisada iyo wax kasta oo khatar ku ah amniga gobolka.

Soomaaliya ayaa galabta ku guuleysatay inta badan kiiskii dacwadda badda ee kala dhaxeeyey Kenya, ayada oo loo xukumay dhul-badeedkii la isku hayey badankiisa, sida aygo’aamisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Maxkamadda ayaa aqbashay codsiga Soomaaliya ee ahaa inay go’aan ka gaarto xuduud badeedka labada dal, waxayna Maxkamadda ICJ ayiday doodda Soomaaliya ee aheyd in xadaynta lagu saleeyo xariiqda tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda.

Inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka, waxaana 12 mile kadib xariiqda in yar loo qaloociyey dhanka Soomaaliya.