Farmaajo oo weerar culus ku qaaday Kenya iyo Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa jeediyey khudbad uu uga hadlay xukunka badda ee maxkamadda ICJ, isagoo weerar afka ah ku qaaday Kenya iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, waxuuna sheegay in culeys badan uu kala kulmay kiiskaan, intii uu xukunka joogay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in seddax bilood kadib markii uu xukunka la wareegay ay hoggaanka Kenya go’aansadeen inay si bareer ah u bilaabaan faro-gelinta siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya.

“Waxay gudaha dalkooda kasoo abaabuleen ururo siyaasadeed oo ay doonayeen in culeys iyo xasilooni darro siyaasadeed ay uga abuuraan gudaha dalkeenna, u jeedada ka dambeysana waxay aheyd inay nagu khasabto inaan dib ula soo noqono dacwadda badda, cadaadis awiis, kadib markii ay Kenya ku guuleysan weysay cadaadiskaas waxay bilaawday inay xad-gudub toos ah ku sameyso qaranimadeena,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hoggaanka dowladda Kenya uu maal iyo waqti badan geliyey in Soomaaliya la go’doomiyo, iyagoo naga gudbinaya sawirro xun oo fool-xumo ah.

“Hoggaanka dowladda Kenya waxay abaabul ciidan oo liddi ku ah madax-banaanideena ay ku fulisay duqeymo shacab Soomaaliyeed ay ugu geysatay dhibaato naf iyo maalba leh, waxay isku dayday in la cuuryaamiyo dhaqaalaha dalkeenna, waxay olole xoogan ka bilaawday xarunta Qaramada Midoobey, kaas oo u jeedkiisu ahaa in Soomaaliya lagu soo rogo qaraarka tirsigiisu yahay 1267, kaas oo Kenya ay uga danlaheyd inay ku xayirto kulana wareegto hantida ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo lagu suntayo argagixisanimo,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale Farmaajo ayaa hoggaanka Kenya ku eedeeyey inuu toos u soo adeegsaday qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka, “Waxay afduubteen hanaankii doorashada Jubbaland, arrinkaas waxaa ka biya diiday shacabka deegaankaas, waxaan garowsanay in talaabooyinkaas guracan ee Kenya, sidoo kale Kenya waxay si aan gambasho laheyn noogu sheegtay in maamulka Jubbaland ay nala heshiisiineyso, hadii aan ka tanaasulno dacwadda badda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Farmaajo.

Farmaajo ayaa u mahadceliyey maxkmadda ICJ, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqbashay go’aanka Maxkamadda, waxuuna Kenya ka dalbaday in u hoggaansanto go’aankaan, isla markaana ay u qaadato fursad lagu xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

“Waxaa boggaadin mudan baarlamaankii 8-aad oo qaatay go’aan geesinimo leh, kaas oo saldhig u ahaa guusha aan maanta heysano, kadib markii ay laaleen heshiiskii is afgaradka ahaa ee Kenya ay mar kasta ku andacooneysay, ayagoo qaatay qaraar ay ugu magac-dareen dhaxal dhowr,” ayuu yiri Farmaajo.

Isagoo u mahad celinaayey madaxweynihii xukunka ku wareejiyey ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Farmaajo waxa uu yiri, “Waxaa xusid mudan doorkii sharafka ahaa ee uu qaatay madaxweynihii hore ee dalka walaalkey Xasan Sheekh Maxamuud oo bilaabay geedi socodkii cadaaladeed ee lagu difaacayey badda Soomaaliyeed ee Kenya ay sheegatay, sidoo kale waxaan amaanayaa qareenadii iyo qubaradii Soomaaliyeed ee u istaagay difaaca badeena.”

Farmaajo ayaa sheegay inuu rajeynayo in xukunka Maxkamadda uu bog cusub u noqdo xiriirka labada dal, isla markaana ay hadda kadib ku wada noolaadaan deris wanaag iyo is-ixtiraam.

“Dowladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay u hoggaansameyso go’aanka maxkmadda, anagoo ka rajeyneyna dowladda aan deriska nahay ee Kenya inay ilaaliso sareynta sharciga caalamiga ah, aysan iska ilaawdo damaceeda marin habaabinta ah, taas bedelkeedn ay go’aanka maxkamadda u qaadato fursad lagu xoojin kari xiriirka iyo iskaashiga labada dale e walaalaha ah,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Kenya ka dalbaday in dowladooda ay ku cadaadiyaan in gobolka nabad loogu wada noolaado, iyadoo meel looga soo wada jeesanayo argagixisada iyo wax kasta oo khatar ku ah amniga gobolka.

“Guushani ma aha mid u soo hoyatay cid gaar ah, mana kala lahan muxaafid iyo mucaarid, mana aha libin ay leeyihiin shakhsiyaad kooban balse waa guul ka dhaxaysa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waana guul ay dhaxli doonaan jiilasha soo socda.Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’idaysto inaan ku dhiirrigeliyo siyaasiyiinta walaalahay ah inay muujiyaan midnimo, isku duubni iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta danaha qarankeenna, annaga oo meel iska dhigayna danaha shakhsiga ah iyo aragtiyada kala duwan ee aan ka leennahay siyaasadda dalka,” ayuu khudbadiisa ku yiri Farmaajo.