Haweeneyn $20,000 siisay BARKHAD JAAMAC kadib lacagtii ay la noqotay Khadiija

Hargeysa (Caasimada Online) – Xaliimo Biritish oo ka mid ah haweenka qurba joogta ah ee ku nool magaalada Hargeysa ayaa iyadoo jawaab deg deg ah ka bixineysa go’aankii wasiirka gargaarka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye  waxay lacag dhan $20,000 (Labaatan kun oo dollar) ku wareejisay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland.

Wasiirka gargaarka XFS Xildhibaan Khadiijo Diiriye ayaa shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabatay waxay ku soo bandhigtay lacag $15,000 ah, taas oo ka mid ah lacag 20,000 oo dollar ah oo ay dooneysay in Xildhibaan Barkhad Batuun ay gaari ugu iibiso, balse ay ka ceshatay markii ay dhageysatay sida uu uga hadlay dadkii sida qasabka ah ay Somaliland uga soo musaafurisay magaalooyin ay Laascaanood ugu horeyso.

Xaliimo Biritish oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegay in Wasiir Khadiijo ay u muuqatay qof doonaya inay bedesho mowqifka Xildhibaan Barkhad Batuun, isla markaana qorshahaas ay la wadeen dad kale oo sida ay hadalka u dhigtay dano gaar ah ka leh Somaliland.

“Hadalka Khadiija waxaan u arkayey inuu yahay mid laga dambeeyo oo gadaasheeda Somaliland laga tooganayo, aniguna waxaan isku arkayey askari Somaliland ilaalinaya, sidaas ayaana uga jawaabay oo waa tan aan Barkhad ku wareejiyey lacag dhan 20,000 oo dollar,” ayey yiri Xaliimo Biritish.

Sidoo kale Xildhibaan Barkhad Batuun oo lacagtaas ka guddoomay Xaliimo Biritish ayaa sheegay in lacagtaas uu ku dhisi doono goob caafimaad oo laga hir-geli doono xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa oo beesha kursiga uu ku metelo ay aad u degto.

“Anigu ma doonayo in lagactaan aan gaari ku wato, waxaan ku sameyn doonaa wax Xaliimo wanaag u ah, shacabkana wax u taraya, xaafadaan aan deganahay ee dadka ku nool aan xildhibaanka u ahay, waxay u baahan yihiin MCH (Xarun caafimaad) aniguna waxaan ku darayaa 10,000 oo dollar, $30,000 kun waxaan deg deg ugu wareejinayaa odayaasha xaafadda, anigoo faraya inay xruntaas deg deg u dhisaan,” ayuu yiri Barkhad Batuun.

Sidoo kale mar uu u jawaabayey Wasiir Khadiijo Diiriye ayuu yiri, “Waan arkayey walaashey Khadiijo oo hadleysay, anigu ma ihi nin dumarka la tirsada, ixtiraam ayey iga mudan tahay Khadiijo, dadka aniga i jecelna waxaan leeyahay Khadiijo waa hooyo ee yaan intaas loo dhaafin.”

Dhanka kale odayaasha xaafadaas oo warbaahinta la hadlay ayaa u mahad celiyey Xaliimo Biritish iyo Xildhibaan Barkhad oo ka gacan ka siiyey in duruufta caafimaad ee xaafadda ka jirta ay daboolaan, sidoo kale laba ka mid ah odayaasha ayaa $5,000 ku daray lacagtaas lagu dhisayo xarunta caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka.