Xanuuno aan la garanaynin oo ka dilaacay Jubbaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa ka hadlay xaaladaha dhanka nolosha ee haataan ka jira deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan Jubbiooyinka iyo Gedo.

Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in abaaro iyo xanuuno aan la garanaynin ay ka dilaaceen qeybo ka mid ah maamulkaasi, loona baahan yahay gurmad deg-deg ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray abaaraha iyo xanuunadaasi ay haatan dhibaato ba’an ku hayaan xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda ku dhaqan deegaanada hoostaga Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka inay gurmad deg-deg ah la soo gaaraan dadka shacabka ah ee ku dhibaateysan halkaasi.

“Abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland WAXA ay yihiin kuwo u baahan gurmad caalami ah iyo gargaar deg deg ah oo ay helaaan dadka tabaalaysan,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay wadaan dadaallo xoogan oo lagu samata bixinayo dadka dhibaateysan, si ay gurmad iyo caawinaad u helaan.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay qeylo dhaan kasoo yeereysay dadka ku dhaqan Jubbaland oo haatan wajahaya xaalado bani’aadanimo