Taliye Odowaa oo kulamo xasaasi ah ka billaabay Dhuusamareeb + Ujeedka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo gaaray Dhuusamareeb ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaas oo caasimad u ah Galmudug.

Odowaa ayaa si gaar ah ula kulmay saraakiisha ciidanka qaybta 21-aad, kuwa horkacaya ciidamadii dhowaan laga qaaday magaalada Muqdisho ee la geeyey Dhuusamareeb.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa saraakiisha uu la kulmay ka dhageystay warbixino ku aadan xaaladaha soo kordhay iyo howl-gallada ka socda Galmudug.

Taliyaha ayaa sidoo kale booqan doono saldhigyada ciidamada, si uu ugu sameeyo kormeer guud oo uu ku qiimeynayo xaaladaha ciidamada ku jira xeryahaasi.

Socdaalka Odowaa ee Dhuusamareeb ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi oo ay Galmudug ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna Waljamaaca.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada Xoogga dalka kadib booqashadiisa Dhuusamareeb uu aadi doono dhanka HirShabelle, gaar ahaan Jowhar.

Si kastaba, booqashada Odowaa ee xarumaha maamul goboleedyada ayaa salka ku heyso arrimaha ammaanka, maadaama la guda-galayo doorashooyinka Golaha Shacabka.