28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Farmaajo oo Khudbad u jeedin doona Xildhibaanada & Amaanka oo aad loo adkeeyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in Xarunta baarlamaanka Somalia uu ka furmo Kalfadhiga labaad ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia.

Kalfadhiga ayaa waxaa furi doona Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”, oo halkaa ka jeedin doona Khudbad dhinacyo badan taabaneysa.

C/kariin Xaaji Cabdi ”Buux” Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, ayaa xaqiijiyay in maanta uu furmi doono Kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sidoo kale Khamiistii dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib muddo dhawr toddobaad oo uu dalka dibadda uga maqnaa.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa iyaguna dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Geesta kale, Ammaanka qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka soo gala xarunta golaha Shacabka iyo Madaxtooyadda Ciidamada dowladda ay ka waddaan baaritaano culus.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News