Farmaajo oo khudbaddiisa ku sheegay sida uu ku yimid ‘isbeddel doonka socda’

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa maanta hortegay xildhibaanada labada Aqal isaga oo u jeediyey khudbadiisa ku aadan barnaamijkiisa siyaasadeed, haddii markale dib loo doorto.

Farmaajo ayaa si aad ah uga hadlay waxqabadka dowladdiisa ee 5-tii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna diiradda saaray, ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo dagaalka Al-Shabaab.

Musharrax madaxweyne Farmaajo ayaa markale ka codsaday xildhibaanada labada Aqal inay codkooda siiyaan, si usii uu hoggaamiyo Villa Soomaaliya, wuxuuna ku faanay inuu la dagaalamay musuq-maasuqa, isla-markaana uu xoojiyey dowlad wanaagga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, wuxuuna sheegay in xasilooni siyaasadeed iyo kobac dhaqaale uu abuuray, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inuu xakameeyey hubka ay heysato dowladda Soomaaliya, si uusan u gelin gacan kale.

Dagaalka Al-Shabaab ayuu sidoo kale sheegay inuu xooga saaray, wuxuuna tilmaamay inay gacanta dowladda soo galeen deegaano horleh sida, Sabiid, Caanoole Janaale iyo Marka, inkastoo degmada Marka ay gacanta dowladda soo gashay ka hor maamulka Farmaajo.

Dhinaca kale wuxuu sharraxaad ka bixiyey ereyga halka u dhigga u ah ee ‘Isbeddal doonka socd’ wuxuuna xusay in isbeddalkaas uu ka bilowday meesha hada la joogo ee doorashada.

“Isbeddelka waxa uu ka yimid wax la yiraahdo isbeddel doonka fadhiidka ah oo taariikhdeena ku suntan, sidaad ogtihiin isbeddal doonka socda wuxuu ka billowdaa waqtiyadaan hadda aa joogno doorashada ah,” ayuu yiri madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday.

Haddii markale dib loo doorto wuxuu ballan-qaaday inuu dalka gaarsiinayo doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna shaaciyey haddii qof kale la doorto inay taasi adkaan doonto.

“Annagaa ugu dhow doorasho qof iyo cod ah oo qof cusub haddii uu yimaado ma gaari karo” ayuu sii raaciyey.

Si kastaba, hadal-jeedinta musharixiinta madaxweynaha ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo gelinka dambe ee maanta, iyada oo doorashada la qabanayo 15 May.