Farmaajo oo kulan deg deg ah la yeeshay guddiyada joogtada ee aqalka sare si loo xaliyo…

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kullan deg deg ah la qaatay guddiyada joogttada ah ee aqalka sare, waxaana kullankaasi looga hadlay ansixinta miisaaniyada 2018-ka.

Sida uu qeexayo sharciga dalka u yell, qodobka 87-aad, faqradiisa C oo dhigaya in madaxweynuhu yahay ilaaliyaha iyo horumarinta mabaa’diida asaasiga dastuurka ayaa keentay inuu la kulmo guddiyadaasi, waxayna guddigaan ay madaxweynaha u gudbiyeen dacwo ka dhan ah galaha shacabka ee aalka hoose oo ay ku eedeeyeen in ay la hareer mareen miisaaniyada 2018-ka iyadoo ansixinta kadibna u gudbiyay madaxweynaha si uu u saxiixo.

Senator Xuseen Sheekh Maxamud oo ayaa sheegay in aqalka sare ay xaq-u-leeyihiin in la soo marsiiyo miisaaniyadda iyo dhammaan sharciyada ka soo gudba galaha shacabka oo uu ku eedeeyay in ay abuureen dhibaatooyin badan oo jira isla markaana is hortaag ku sameeyay in miisaaniyada dowladda la hor geeyo galaha aqalka sare, lana wareegeen awoodihii aqalka sare.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu heystaa saxiixa miisaaniyadda illaa December 31-deeda, si looga fogaado in ay dhacdo “Government shut-down” taas oo micnaheedu yahay in miisaaniyadda sanadka dambe gasho, oo shaqaalaha rayidka iyo ciidanka aaney mushaar heli-doonin, taasoo keentay inuu madaxweynaha xal u raadiyo lana kulmo guddiyada joogtada aqalka sare.

Maalmihii u danbeeyay ayaa waxaa soo baxayay muran u dhaxeeyay labada aqal ee baarlamaanka, kaasoo salka ku haaya miisaaniyada dowladda iyo sharciyo kale.