26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Farmaajo oo la kulmay Gaas, Guuleed, Cosoble iyo Shariif Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dalka Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxda maamul goboleedyada.

Kulanka waxaa kaliya ka maqnaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, kaasi oo ka maqnaa doorashadii magaalada ka dhacday.

Kulanka Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa ahaa mid diirada lagu saaray arimaha amaanka iyo wadashaqeynta madaxweynaha cusub iyo madaxda maamul goboleedyada.

Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay madaxweynaha HirShabeele Cali Cabdulaahi Cosoble, wuxuuna sheegay in kulankooda uu ahaa mid hambalyo ah  iyo sidii loo wada shaqeyn lahaa.

Kulanka waxaa dalbaday madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada, waxaana madaxda maamul goboleedyada looga codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan dowladda cusub.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News