Farmaajo oo maanta furaya Kalfadhiga lixaad labada Gole ee BAARLAMAANKA Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya,Mudane Maxamed Cabdullaahi  Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta lagu wadaa in daah-furo Kalfadhiga lixaad labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka labada Gole ayaa ka dhaceysa xarunta Booliska Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, iyadoona aad loo adkeeyey amniga xaruntaasi.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ka qeyb galaya marti sharaf kala duwan oo uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti, Mudane Maxamed Cali Xumad.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu khudbad xasaasi ah ka jeediyo madasha, taas oo uu kaga hadli doono xaaladda guud ee dalka.

Ilo ku dhow Madaxtooyada Qaranka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Madaxweynuhu khudbadiisa uu ku soo qaadi doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka dowladdiisa kala dhexeeya dowlad goboleedka Jubbaland.

Furitaanka labada Gole ee Baarlamaanka ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan la dhameeyey khilaafkii ka dhexeeyey labadaasi Aqal.

Kalfadhiyadii 5-aad iyo 4-aad ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa si gaar gaar ah u kala dhacay, sababo la xariira khilaaf markaas soo kala dhex galay labada Gole.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com