Hoggaanka Ahlu Sunna oo kulan deg deg ah ku leh degmada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaac ayaa haatan kulan deg deg ah ku leh magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galaduud, kaas diirada lagu saarayo xaaladihii ugu dambeeyey ee maamulka Galmudug.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah, islamarkaana uu albaabada u xiran yahay ayaa ka socda xarunta Inji halkaas oo uu ku yaallo xafiiska madaxa xukumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Ilo ku dhow kulankaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in looga hadlayo arrimo la xariira guddiga farsamada ee ay xalay magacawday dowladda Soomaaliya.

Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa in aysan ku qanacsaneyn guddigaas oo ka kooban 13 xubnood, kana shaqeyn doono sidii loo heli lahaa Galmudug oo mid ah.

Gabagabada kulanka ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno culus oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada ka socda deegaanada maamulka Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa wajaheysaa loolan oo uga imaanaya Madaxweyne Xaaf iyo xukuumadda oo isku dhinac ah, lamana oga, sida ay wax noqon doonaan.

Wixii soo kordha kala soco, caasimada.net

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com