DF oo magacwoday gudiga farsamada ee GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqday guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug, kaas oo ka shaqeyn doona arrimaha maamulkaasi oo dhowaan doorasho galaya.

Guddiga ayaa ka kooban illaa 13 xubnood oo matalaya beelaha Soomaaliyeed ee daga deegaanada maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxa uu guddigu iska dhex dooran doonaa guddoomiye, kadibna waxa uu guda geli doonaan howlaha shaqo ee loo igmaday.

Wareegto ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya waxaa warbaahinta u aqriyey ku simaha wasiirka, Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud, kaas oo ka dalbaday reer Galmudug in lala shaqeeyo xubnaha guddigaasi.

Dowladda federaalka ayaa garwadeen ka ah dhismaha Galmudug oo mid ah, iyadoona dhowaan la guda geli doono arrimaha doorashooyinka ee maamulkaasi.