26.4 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Farmaajo oo mar kale maanta safar dibadeed u baxaya (Xaguu ku socdaa?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maanta ka ambabaxo Magaalada Muqdisho isagoo wajihi doono dalka Jordan oo uu ka furmi doono shir madaxeedka Wadamada Jaamacadda Carabta.

Caasimada Online ayaa xogtaan ka helay illo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaana la sheegayaa inuu madaxweynaha waqti dambe go’aansaday inuu ka qeybgalo shir Madaxeedka Jaamacadda carabta xilli dhawaan la sheegay inuu ka baaqan doono sababo la xiriiro culeyska ka heysto xaga ansixinta Golaha Wasiirada.

Xukuumadda cusub ayaa la filayaa in maalinta arbacada ah la horgeeyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna safarka madaxweynaha muujinayaa inuu kalsooni buuxdo ku qabo ansixinta golaha wasiirada.

Markii ugu horeysay oo uu shir madaxeedka Carabta ka qeybgalo Madaxweyne Maxamed Farmaajo ayey noqon doontaa, sidoo kalana wuxuu noqon doonaa kulankii labaad oo uu laba asbuuc gudahood uu ka qeybgalo, maadaama uu 25 March uu Nairobi kaga qeybgalay shirka ay yeesheen Madaxda IGAD oo looga hadlayey qaxootiga Soomaaliyeed.

Waxay noqon doontaa markii 28-aad oo ay shiraan waxaana lagu wadaa inay ka qeybgalaan ilaa 16 madaxweyne iyo boqoro, waxaana si rasmi ah la furi doonaa 29 March oo ku beegan maalin Arbaco ah.

Kulankii ay Jaamacadda Carabta ku yeesheen dalka Mauritania ayaa waxaa ka qeybgalay 8 hoggaamiye oo kaliya, balse midkaan wuxuu noqon doonaa midkii ugu badnaa oo ay ka qeybgalaan madaxda Carabta.

Madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kamid ahaa madaxdii aan ka qeybgelin shirkaas maadaama uu ku mashquulsanaa ololihii doorashada uu ku doonayey inuu mar kale noqdo Madaxweynaha Soomaaliya taasoo ugu dambeyn meel cidlaa kusoo dhamaatay.

Shirkaan Jordan ka furmo doono ayaa la xaqiijiyey inay ka maqnaan doonaan ilaa 6 madaxweyne inkastoo aan si rasmi ah loo sheegay sababta ka dambeyso baaqashadooda xilli uu madaxweynaha Suudaan Al-Bashiir ka dhawaajiyey inuu ka qeybgeli doono.

2011 ayaa la xayiray kursigii uu dalka Suuriya ku lahaa Jaamacadda Carabta kadib markii uu halkaas dagaal ka bilawday ilaa xiligaasna wuxuu ahaa mid faaruq ah oo aysan cidna fadhin.

Madaxweynayaasha markii ugu horeysay kulankaan ka qeybgeli doono ayaa kala ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Lebanon  Michel Aoun.

Wixii warar ah ee kusoo korota arrintaan waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News