Seddex Sarkaal oo mar qura shil gaari ku dhimatay (Magacyadooda)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in mar qura seddex sarkaal ay ku dhinteen shil gaari, waxaana tacsi ka diray maamulka Puntland.

Shilka gaari ayaa ka dhacay deegaan ku yaala duleedka deegaanka Danqoroyo ee gobolka Nugaal, waxaana ku dhintay seddex kamid ah saraakiisha ciidamada maamulka Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka hadlay shilkaasi gaari, wuxuuna tacsi u diray ehelada saraakiisha ku dhimatay shilkaasi.

Hoos ka akhriso qoraalka tacsida.