Farmaajo oo mowqifkiisa u caddeeyey Moussa Faki

Kampala (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu intii uu joogay magaalada Kampala la kulmay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo ay ka wada qeyb galeen caleemo-saarkii madxaweyne Yoweri Museveni.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Farmaajo uu Moussa Faki kala hadlay diidmada dowladda federaalka ay ku aadan ergeyga cusub ee uu usoo magacaabay Soomaaliya, oo ah madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama.

Warqad uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midnimada Afrika Moussa Faki Mahamat oo ku taariikheysan 9-ka May, ayey dawladda Soomaaliya ku sheegtay inaysan taageero siin doonin John Mahama.

Warqaddan ayey Soomaaliya ku sheegtay in magacaabista ergay ee Mahama aysan haatan shaqaynayn sababtoo ah hannaanka heshiiska lagu wada yahay waxa billaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo kulan loo madlan yahay 20-ka May.

Waxay kaloo Soomaaliya su’aal ka keentay dhex-dhexaadnimada John Mahama oo ay sheegtay inuu xiriiro qoto dheer la leeyahay hoggaanka Kenya.

Xogta aan ka helnay kulanka Farmaajo iyo Moussa Faki ayaa sheegeysa in madaxweynaha uu farrintii warqaddaas ku qorneyd si toos ah ugu sheegay guddoomiyaha, isaga oo ku celiyey in dowladda federaalka aysan aqbali doonin ergeygaas. 

Illa aiyo hadda ma cadda waxa uu ku jawaabay Moussa Faki, hase yeeshee ururka Midowga Afrika ayaa horey u sheegay in ergeygaas uusan markii horeba ku iman talada dowladda federaalka, sidaas darteedna ay u badan tahay inaan la aqbali doonin codsiga dowladda. 

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in mowqifka dawladda Soomaaliya uu yahay in Mahama uusan dalka soo gelin, haddii Midowga Afrika uu ku adkeysto mowqifkiisa magacaabista.