Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Gaza iyo Israel oo meel aysan fileyn looga soo tuuray gantaalo (Warbixin)

Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Yahuudda ayaa maanta oo Jicmaha ah sii wada duqeynta magaalada Gaza ee ay ku xasuuqayaan shacabka Falastiin ayaga oo iska dhego tiraya baaqyada caalamiga ah, halka ay diyaariyeen ciidamo dhulka ah oo gala magaalada.

Weriyaha Aljazeera ee Gaza, Safwat Al Kahlout ayaa sheegay in ciidamada Yahuudda ay dhooban yihiin xuduudda balse aysan jirin wararka sheegaya inay soo galeen magaalada. Militariga Yahuudda ayaa sidoo kale beeniyey in weerarka dhulka ah ee Gaza uu billowday. 

Khasaarihii ugu dambeeyey ee ka dhashay duqeynta Yahuudda ayaa waxaa ku dhintay haweeney iyo saddexdeeda wiil. Khasarahan ugu dambeeyey ayaa tirada guud ee shacabka ay Yahuudda xasuuqeen ka dhigeysa 113 qof oo ay ku jiraan ugu yaraan 31 caruur ah. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 580 qof. 

Dhinaca Israel-na, gantaallada Xamas ayaa waxay militariga Yahuudda sheegeen inay ku dhinteen 7 qof, inkasta oo la rumeysan yahay inay intaas ka badan yihiin oo ay Yahuudda qarsanayaan jabkooda. 

Weerarkii ugu dambeeyey ee Yahuudda ay saaka fuliyeen ayaa lala beegsaday degmada Zeytuun. Weli ma cadda khasaraaha halkaas ka dhashay. 

Dhinaca kale, gantaallo ay Xamas ka tuureen Gaza ayaa saaka ku dhacay dhisme ku yaalla magaalada Ashkelon. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarka, hase yeeshee Yahuudda badankood ayaa mar hore isku qariyey dhismooyin ku yaalla dhulka hoostiisa.

Sidoo kale, gantaallo laga soo riday dalka Lebanon oo loo waday Israel ayaa ku dhacay badda Mediterranean-ka, mana sababin wax khasaare ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay militariga Yahuudda. 

Gantaalladan ayaa furin cusub oo dagaal ku furi kara Yahuudda. 

Ma cadda cidda soo tuurtay gantaallada ka yimid dhanka Lebanon. Kooxda Xizbullah ayaa iska fogeysay inay wax lug ah ku leedahay.