Farmaajo oo raali-gelin ka bixiyey dhibkii loo gaystay Gobollada Waqooyi + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, ee hadda loo yaqaan Somaliland, raali gelin ka siiyey duqayntii iyo xasuuqii ay dowladdii kacaanka u gaysatay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in loo baahan yahay garowsho, islamarkaana la iska ilaawo wixii xumaa ee dhacay, ayada oo la xirayo bogga madow, lana furo mid cusub.

“Waxaa loo baahan yahay garoowshiyo. Wixii xumaa ee dhacay oo la iska cafiyo, dibna aan u saxno bog kasta oo madow oo taariikhdeenna soo galay. Dhibaatadii loo geystay walaalaha Gobollada Waqooyi ma ahayn mid ku saleysan Koonfur oo Waqooyi ku duushay iyo qabiil midna ee waxa ay ahayd hab dowladeed oo markaas jiray,” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa yiri “Anigoo ah Madaxweynihii Qaranka waxaan rabaa in aan cudurdaarkaas sameeyo oo raali-gelintaas aan gaarsiino walaalaheen reer Waqooyi. idinkuna aad ila qaadataan”

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkan ka jeediyey shirweynaha garsoorka ee ka socda magaalada Muqdisho.

Raali-gelinta uu bixiyey Farmaajo ayaa timid laba maalin kadib markii uu magaalada Addis-Ababa kula kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, inkasta oo kulankaas aan laga bixin wax faah-faahin ah.

Hoos ka daawo Farmaajo