Ugaaska beesha Mareexaan oo muujiyey aragtidiisa ku aaddan xiisadda GEDO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaaska beesha Mareexaan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay aragtidiisa ku aaddan xiisadda ka taagan gobolka Gedo, oo ay isku hayana dowladda dhexe iyo Jubaland.

Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Ugaas Yarow oo u waramay Idaacadda Goobjoog ayaa madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in uu hurin colaadeed ka wado gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Ugaas Maxamed ayaa sheegay dowladda federaalka ay masuul ka tahay dhibaatada ka taagan gobalka Gedo, isagoo tilmaamay in haatan ay Gedo ka taagantahay xiisad colaaedeed.

“Anagu waxa aan hoos tagnaa Jubaland waxaan ka sii nahay federal, dowladdii federaalka ahayd ayaa dhibaatada ka wadda gobalka Gedo, sidaad la socotaan degmooyinka Luuq, Doolow, Beled-Xaawo guluf colaadeed baa ka jira dowladda federaalka ayaa wada gulufkaas colaadeed” ayuu yiri Ugaas Maxamed.

Ugaaskan ayaa sheegay in gulufka colaadeed ee dowladdu ay ka abuurtay gobolka Gedo ay dad ku dhinteen, qoysasna ku barakaceen, waxuuna nasiib darro ku tilmaamay siyaasadda dowladda dhexe ee ku wajahan gobolka Gedo.

“Waa lagu geeriyooday gulufkaasi colaadeed waa lagu dhaawacmay waa lagu qaxay, dhibaatadaas foosha xun baa ka jirta gobalka Gedo, nasiib darro weeye dowladdi federaalka ahayd oo ummadda dowladedii ahayd in dhibaatadaas ay waddo nasiib darro aad u xun weeye”ayuu yiri ugaaska beesha Mareexaan.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in markasta uu gobol nabad ah dhibaato ka abuuro, isagoo kula taliyey in uu taas ka waan toobo waxa uu hadda sameeyana taariikhdu ay qori doonto.

Dowladda federaalka ayaa dhawaan ciidamo laga daabulay Muqdisho waxa ay geysay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog leh, waxayna qarka u saaranyihiin in ay dagaal la galaan ciidamada maamulka Jubblanad oo gobolkaasi uu hoos tago.