Farmaajo oo safar kii hore ka duwan ku tegaya dalka Jabuuti iyo qorshahiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku wajahn yahay magalada Jabouti ee xarunta dalka Jabouti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu ka ambabaxo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo gaari doona dalka Jabouti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa wehlin doona Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka tirsan dowlada Somalia kuwaa oo mudada uu Madaxweynaha ku nagaan doono Jabouti la kulmi doona dhigooda dalkaasi.

Magaalada Jabouti ayaa waxaa loogu diyaar garoobaya soo dhaweynta Madaxweynaha Somalia iyo Wafdigiisa oo halkaa ku nagaan doona muddo laba cisho ah, sida aan xogta ku heleyno.

Xogta aan heleyno ayaa waxa ay tilmaameysaa in booqashada Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay salka ku hayso xoojinta xiriirka soo jireenka ee Labada dal iyo guud ahaan arrimaha gobolka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhigiisa Jabouti kala hadli doona dhex dhexaadin la doonaayo in laga dhex sameeyo Jabouti iyo Eriterea oo khilaaf diblumaasiyadeed uu ka dhexeeyo.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhigiisa Jabouti la wadaagi doonaa wixii kasoo baxay kulan uu magaalada Muqdisho kula qaatay Wafdi ka socda dalka Eriterea oo uu kala hadlay wadahadal laga dhex abuuro Jabouuti iyo Eriterea.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la rajeynaa inuu soo afjaro mad madowga siyaasadeed ee ka dhex jira labada dal, kadib markii Jabuuti ay ka carootay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya uu ka sheegay Asmara, kaasi oo ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com