Farmaajo oo shaaciyay inay dhabarka ka jabiyeen hal musiibo oo lid ku ah dowladnimada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi (Farmaajo), ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladiisa kula jirto Musuq-maasuqa iyo shaqsiyaadka ku dhaqma musuqa.

Farmaajo waxa uu tilmaamay in kala bar ay kasoo jeesteen ciribtirka Musuqa iyo shaqsiyaadka ku caanbaxay, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu wada shaqeyn doonin cid saaxiib u ah Musuqa hanta Qaran.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay la dagaalanka waxa loogu yeero masuq-maasuqa kaasoo uu ku tilmaamay in uu yahay masiibo Qaran, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu tilmaamay in masuq-maasuqu yahay masuubada ugu weyn ee ay ka dhismi waayeen dowladihii hore ee dalka soo maray hase yeeshee hada dowlada Federaalku ay la gashay dagaal xoogaan masuq maasuqa.

Farmaajo waxa uu tilmaamay in musuqa aawgii ay xilka uga qaaden mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa harsana ay ku weyn doonaan haddii ay soo idlaato baaritaanada lagu hayo, sida uu ka sheegay munaasabadii xariga looga jarayay maamulka Hawada Somalia.

Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan ay Hay’adda Lacagta Aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMF sheegtay in Hanaanka maaliyadeed ee Somalia uu yahay mid la aamini karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com