Dalka Mozambique oo laga helay meydadka 13 qof oo Soomaali ah (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Meydadka 13 ruux oo la rumeysan yahay inay yihiin Soomali ayaa laga helay tuulo ku taal bartamaha wadanka Mozambique.

Sida laga soo xigtey mas’uuliyin ka tirsan dowlada Mozambique meydadkan ayaa lagu qariyay meel ku dhow Saldhigga Booliska magaalada Cheringoma ee gobolka Sofala Province.

Dowlada Mozambique ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameynayo balse wax faahfaahin ah kama bixin.

Wargeys ka soo baxa wadanka Mozambique ayaa laga soo xigtey in meydadka la helay in ay ahaayeen dad muhaajiriin ah kuwaasoo ka soo tegey Waqooyiga kuna sii jeeday koofurta Mozambique.

“Waxaa ay ahaayeen muhaajiriin ku safrayay baabuur weyn oo Konteenar ah waxaana dhici karta inay u dhinteen hawo la’aan.”ayaa lagu daabacay wargeyskan O País.

“Markii uu ogaaday darawalkii in dadka gaariga u saaran yihiin meyd ayuuu tuuray meel keyn ah.”ayuu wargeyska ka soo xigtey qof goobjooge ahaa.

Wadanka Mozambique ayaa u ah waddo muhiim ah dadka muhaajiriinta ah ee u badan Soomaalida iyo Ethiopianka kuwaasoo doonaya inay gaaraan wadanka Koofur Afrika.

Hase yeeshee ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya iyo weliba ilo madaxbanaan  oo xaqiijinaya in dadka ku dhintey gaariga konteenarka ay ahaayeen Soomaali.

Xigasho: The EastAfrican

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com