Farmaajo oo shaaciyey arrin farxad galineysa Somaliland

Muqdisho (Caasimad Online) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo xalay xuska munaasabadda 1-d Luulyo uga qeyb galay xarunta madaxtooyada ayaa hambalyo kadib soo hadal qaaday arrimo ku aadan midnimada Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in midnimadu ay muhiim u tahay guud ahaan Soomaalida meel kasto oo ay joogto.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladdiisu ay ka go’an tahay in ay ka qanciso Somaliland tabashada ay qabto, si meesha looga saaro kala qeybsanaanta.

“Waxaan qabaa rajo fiican, Waxaan qabaa in Soomaali ay midoobi doonto, waxaana gacmaha u furaynaa walaalaheenna reer Somaliland ee ay aabbayaashood dhaliyeen midnimada.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhanka kale Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku amaanay maamulka Somaliland sidii ay wakhtigii israaca ugu tanaasuleen wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Somaliland waxa ay ku dhawaaqday in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’day 1991-kii, waxaana tan iyo markaasi ay raadineysaa madax banaani.

Ma jirto illaa iyo haddase wax ka soo baxay go’aankaasi oo sii kala fogeynaya labada dhinac.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com