Odayaasha Cadaado oo hor yimid heshiiskii DF iyo Ahlu-Sunna iyo hadalkii Kheyre

Cadaado (Caasimadda Online) – Kulan ay Magaalada Cadaado Maanta ku yeesheen Odayaasha iyo Waxgaradka Magaladaas ayaa waxaa ay uga soo horjeesteen hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee ahaa in gogosha shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu dhigayo Magalada Dhuusamareeb.

Madax-dhaqameedka ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan hadalkii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xalay jeediyay ee ku aaddanaa in shirka dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug ay labaduba ka dhici doonaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Odoyaasha ayaa Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay in uu ku ballan-furay, kadib markii sida ay sheegeen uu dhammaan awoodihii maamulka Galmudug u raray magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu ka dhabayn waayay hadalkiisi ahaa in Galmudug loo dhanyahay uu wax ka dhisayo.

Odayaasha ayaa Magaaladda Dhuusamareeb ku tilmaayay meel ninan isbaaro utaalo aysa yeeli doonin in ay ka qayb galaan Doorasho ka dhacda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa Imaanaya Saacado uun ka dib markii Ra’iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu Dhuusamareeb ka sheegay in ay ka furmi doonto Gogol dhib u heshiisiin ah oo lagu lagu heshiisiinaayo Beelaha Galmudug ayna ka dhici doonto Doorasha Maamulka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay sheegay in markii uu kasoo  tegayay Magalada Muqdisho ay dad badan kula taliyeen in uusan tegin Galmudug,isla markaana wax xal ah ka gaareen,hayeeshee taasi ay haatan muuqato.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com