Xog: Kooxda Ahlu-Sunna oo aqbashay dalabkii Kheyre ee ku aadanaa ciidamadooda

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa aqbashay dalabkii ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa in ciidamadooda la qarameeyo laguna daro ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ahlu-Sunna oo arrintan horey u diiday kadib safarkii koowaad ee ra’iisul wasaare Kheyre uu ku tagay magaalada Dhuusomareeb ayaa ugu dambeyn aqbashay codsiga ra’iisul wasaaraha kadib wada-hadallo dheeraad oo uu kula yeeshay magaaladaas oo uu dib ugu laabtay.

Sida aan xogta ku helnay Ahlu-Sunna ayaa arrintan ku beddelatay arrimo ay ka mid yihiin in dowladda ay si joogto ah u bixiso mushaharka ciidamadooda, taasi oo muddo culees ku ahayd kooxdan.

Waxaa sidoo kale kooxdan loo xaqiijiyey in doorashada madaxweynaha Galmudug ay ka dhici doonbto magaalada Dhuusomareeb, taasi oo ra’iisul wasaaraha uu ku dhowaaqay intii uu ku sugnaa magaalada Cadaado.

Xubno ka dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in sidoo kale ay jiraan xilal dhowr ah oo ka mid ah kuwa federaalka oo kooxdan loo ballan-qaaday, inkasta oo aan la ogeyn waxay noqon doonaan.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo madaxa xukuumadda Galmudug uu xalay sheegay inay diyaar u yihiib in hay’adaha ammaanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay si wadajir ay uga howlgalaan magaalada Dhuusomareeb.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com