Farmaajo oo shaaciyey in DF Somalia ay soo afjartay faragelintii dalalka dariska ah ay ku hayeen Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in soddonkii sano ee lasoo dhaafay ay dowladaha dariska ah faragalin qaawan iyo mid dadban ay ku hayeen arrimaha Soomaaliya,

Muuqaal dhawr daqiiqo ah oo la faafiyay ayaa Madaxweynuhu kaga warbixiyay tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu kusoo afjaray faragalintii joogtada ahayd ee Itoobiya ay ku heysay Soomaaliya, isagoo sheegay in kulankii ugu horreeyay ee uu la qaatay Ra’iisul Wsaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn uu kala hadlay in Itoobiya ay joojiso faragelinta, lana tixgeliyo madaxbannaanida iyo dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in isbedelka ka socda Gobolka Geeska Afrika uu ku saleysan yahay iskaashi iyo wax wada qabsi, meelna looga soo wada jeesto waxkasta oo caqabad ku ah horumarka iyo xasiloonida Gobolka, taas oo ay ka midesysan yihiin Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretereya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in la ballaarin doono shirka seddax-geesoodka ah ee socda iyadoo laga qeybgelin doono dalalka Gobolka ee aan qeybta ka ahayn sida dalka aan waalalaha nahay ee Jabuuti.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkii Bahra Daar la isku afgaraty qodobbo hor u socod u ah horumarka Gobolka, sidoo kalena la isla qaatay in magaalada Muqdisho ay marti geliso shirka xiga.

Halkan ka daawo madaxweynaha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com